Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta soo gabagaboobmay kulan gaar ah oo ay maanta xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku yeesheen xeyndaabka garoonka ee xerada Xalane, kaas oo ay diiradda ku saareen wada-hadallada ay ku jiraan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
Ugu horreyn xubnaha Golahan oo ka kooban madaxda Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ayaa isku-raacay in ay berri oo Axad ah si buuxda uga qayb-galaan shirka Villa Soomaaliya, kadib markii ay dowladdu ka gows-adaygtay guddi gaar ah oo ay u saareen in ay kala-hadlaan doorashooyinka, iyo wax ka beddalka lagu sameeyay Dastuurka kumeel gaarka ah.
Sidoo kale waxa ay isla mel dhigeen qorshaha ay la tegayaan shirka berri loo ballansan yahay inuu ka dhaco Madaxtooyada Qaranka, kaas oo uu mar kale guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa kale oo ay isla garteen xubnaha golaha saddex qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo ay kamid yihiin;-
- Dastuurka Soomaaliya in uu yahay kii 2012 , wax ka bedel kasta oo lagu sameeyeyna uu yahay waxba kama jiraan.
- In Dowlad goboleedyada wakhtigooda dhaafay ay Doorashooyinkooda qabsadaan, iyagoo gelaya doorasho dadban.
- In Dowladda Federaalka ah ay qabato Doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

