Xog: DF oo si qarsoodi ah Denmark ugu wareejisay Amaal Nuur ayada oo aysan ogeyn qoyskeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay Amaal Nuur Cusmaan oo ah gabar qoyskeeda ka maqneyd mudo laba bilood ay ku wareejisay dowladda Denmark, kadib markii maalin ka hor Taliska boolisku shaaciyey inay gacanta ku hayaan gabadhaas.

Gabadhan ayaa la sheegay in galabkii Arbacada laga dhoofiyey garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay dowladdu ku wareejisay xubno ka socday safaaradda dowladda Denmark u qaabilsan Soomaaliya, taas oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Amran Xalane oo ah hooyada dhashay Amaal Nuur ayaa sheegtay in aysan garaneyn meel la geeyey gabadheedii dowladuna aysan weli la kulansiin, ayada oo ogeynna loo gacan geliyey dad kale.

Hooyo Amran waxay sheegtay in xalay ay la xariirtay Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur oo isagu kala shaqeynayey baadi goobka gabadheeda, iyadoo ka duulaysa hadalkii taliyaha booliska oo ay sheegtay inuu farxad geliyey.

Hooyo Amran ayaa sheegtay inuu Cabdinuur ku balamiyey guri uu ka deganyahay Muqdisho, markii ay u tageena uu ku wargeliyey in gabadheedii loo dhoofiyey dalka Denmark oo ay iyadu dalbatay dhalasho labaadna ay ka heysatay.

Sidoo kale hooyo Amran ayaa sheegtay inay la xiriirtey xubno ka tirsan qoyskeeda oo degan Denmark, kuwaas oo u cadeeyey in gabadha aan la geyn dalkaas.

Gabadhan ayey hooyadeed dalka dibadiisa uga soo celisay dhaqan celin, iyadoo waayihii bambe kula nooleyd caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna arintan noqonaysaa kiiskii labaad oo dowladda Soomaaliya ay dal kale ugu dhiibtay qof Soomaali ah, kadib dhiibistii Qalbi-Dhagax oo arintiisu ay soo cusboonaatay waayahaan dambe.

Talaabadan ayaa u muuqanaysa mid lagu daboolayo eedihii ay hooyo Amran todobaadkii hore warbaahinta u marisay ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo ay sheegtay inay afdoob u heystaan gabadheeda madax furashana weydiisteen.

Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa noo sheegay in Amaal Nuur ay aheyd qof qaan gaar ah oo go’aan ka gaari karta masiirkeeda, isla markaana ay diiday in lala kulansiiyo hooyadeed, taas oo sababtay in la fuliyo dalkeeda iyo mid dowladda uga yimid safaaradda Denmark u qaabilsan Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa maalin ka hor warbaahinta dowladda u sheegay inay gacan amaan ah ku jiro gabadhaas labada bilood ka maqneed qoyskeeda, isagoo sheegay inay tahay qof qaan gaar ah da’deedana ku sheegay 18-sano jir, halka hooyadeed ay sheegtay in aysan qaan gaarin, taas oo uu ku beeniyey taliyihu.

Qoyska Amaal oo ay ugu horeyso hooyadeed Amran ayey amakaag ku noqotay in gabadhoodii dalka laga dhoofiyo xataa iyadoo aan lala kulansiin, kadib laba bilood oo ay raadinayeen.