Xog: DF oo xayiraad cusub kusoo rogtay Xasan Daahir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay xayiraad cusub kusoo rogtay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo horey xabsi guri ugu jiray muddo dhowr sano ah.

Sheekh Xasan Daahir, oo aan ka tanaasulin afkaartiisa uu ku taageero kooxda Al-Shabaab, ayaa muddooyinkii dambe fikirkiisa kusoo gudbinayey baraha bulshada balse waxaa hadda laga qaaday tallaabo, waxayna wararku sheegayaan in laga joojiyey adeegsigii baraha bulshada.

Go’aan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu amray in lasoo koobo awoodda hoggaamiyahan oo horey uga mid ahaa madaxda ugu sareyso maxaakiimtii Islaamiga, waxaana xoriyadaan horey u siisay dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, oo la weydiiyey farriimaha Sheekh Xasan Daahir mariyo baraha bulshada, ayaa sheegay inuusan jirin qof loo ogol yahay inuu argagixiso taageero, ayna tallaabooyin ka qaadeen, arrintaasina laga bogsan doono oo aanay dib u soo noqon doonin.

Arrintan ayaa timid, kadib amarro ay soo saartay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Federaalka oo ku saabsan inaan la baahin karin farriimaha Al-Shabaab, lana xiray xarumo ay baraha bulshada ku leeyihiin.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa baraha bulshada kusoo gudbin jiray farriimo ay ka dhasheen doodo badan, waxaana ugu dambeysay middii uu kaga hadlay geeria Jeneral Farxaan Qaroole iyo dilkii loo geystay wiil uu dhalay.

Wadaadkaan da’da ah muddo badana ku taagan fikirkiisa ayaa lagu hayaa xabsi guri ay ilaaliyaan ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana gurigiisa kula nool xaaskiisa iyo qaar ka tirsan ilmihisa.