XOG: DFS iyo Axmed Madoobe oo isku mari la’ arrin la xiriirta Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in uu jirro kulamo u socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba, kuwaasoo salka ku yahaya sida la yeelayo Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ka mid ah mucaaradka Axmed Madoobe.

Ilaha warkan noo sheegay ayaa sheegay in kulamadaas ay ahaayeen kuwa si toos ah oo fool ka fool ay u kulmeen labada dhinac iyo kuwa looga dhinaca taleefonka la isku wareestay.

Arrinta la isku mari la’yahay oo ilaa hadda aan xal loo helin ayaa ah, in Barre Hiiraale oo hadda ku go’doonsan deegan u dhow Kismaayo laga soo duuliyo garoonka Kismaayo kadibna loogu celiyo Muqdisho. Arrintaas waxaa soo jeediyay wafdiga dowladda balse maamulka Axmed Madoobe ayaa gaashanka u daruuray, waxaana ay ku adkeesteen in Barre qaabka uu ku yimid Jubbooyinka loogu celiyo Muqdisho.

Sidoo kale, war kale ayaa sheegaya in Barre Hiiraale uu ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isagoo sheegay in uu baahan yahay daaweyn dhinaca dibdda ah in kastoo aan la sheegin xanuunka haya, balse waxaa kale oo jira in isaga iyo Kenya aysan isku fiicneyn.

Qaabka uu Barre Hiiraale ku yimid Kismaayo ayaa ahayd doon ayuu ka soo raacay Muqdisho, waxaana soo dirtay dowladda isagoona la soo siiyay hub uu ku qabsado Kismaayo, balse arrintaas waa ay ka fashilantay, aaqirkiina dagaal ku dhexmaray maleeshiyadiisa iyo kuwii Axmed Madoobe waxaa ku awood batay kuwa maamulka Jubba.

Si kastaba, arrintaas waa lagu kala booday, waxaana ay hadda u badan tahay in loo gudbin doono waddamada dariska ah gaar ahaan Ethiopia oo hadda saaxib dhow la maamulka Axmed Madoobe.

Maamulka KMG ah ayaa hadda u muuqda inuu diyaar ahayn soo wareejinta garoonka diyaarada iyo dekedda Kisamayo oo dhaqaale badan uu ka soo galo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com