32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: DF Somalia oo cod-baahiye u noqotay dowladda Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa ka hadashay go’aanka ay Boqortooda Sacuudi Arabiya ku meel-marineyso howlaha Xajka iyo dib-u-hagaajinta goobaha xurmada leh ee ku yaala dalkaasi.

Dowlada Somalia oo ku filnaan’la howlaheeda ayaa ka hor imaday go’aanka ay Dowlada Iraan ku faragalineyso howlaha Xajka iyo qaabka sanadkaani loo maareyn doono gudashada Xajka.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada Arimaha Dibada ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Iraan looga baahanyahay inay taageerto dadaalada Sacuudiga uu wado ee ku aaddan arrimaha Xajka ee Sanadkaan, taas oo ay taageereen dowladaha kale.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Dowlada Somalia aysan taageeri doonin go’aanada Iraan ay ku carqaladeyneyso maamulka Boqortooyada ee ku aadan howlaha Xajka.

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu xaqiijiyay in Dowlada Somalia faragalinta noocaasi ah ay u qaadan doonto mid tashwiish lagu galinaayo qabsoomida Xajka, sidaa aawgeedna ka digtay in Iraan ay kusii dhiirato carqaladeynta howlaha Xajka.

Dowlada Somalia oo iminka kasoo kabaneysa Burburka iyo dhibaatada daba-dheeraatay ayaa qeyb ka noqoneysa codadka ay Dowlada Sacuudiga u adeegsaneyso Iraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News