25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

XOG: DF Soomaaliya oo lacag badan u dirtay shirka Dhusamareeb + Qorshaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalkii ugu danbeeyay oo ay ku dooneyso inay saameyn ku yeelato xaalada cakiran ee Gobollada Dhexe ee Soomaaliya iyadoo wafdiyo kala duwan iyo lacag u dirtay degaankaasi.

Ka sokow  wasiirka Gaashaandhigga oo tegay Guriceel si uu u qaboojiyo xiisada colaadeed ee degmadaasi ka taagan, waxaa  dhinaca kale gaaray Dhuusamareeb wafdi farsamo oo heer hoose ah kaasoo ka soday wasaaradda arrimaha gudaha lagana abaabulay madaxtooyada Villa Somalia.

Wafdigaasi ayaa la sheegay inay dhaqaale geeyeen shirkaasi dhaqaalahaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh ku taageerayo shirka Dhuusamareeb oo markii hore uu si weyn uga horjeeday iskuna dayay inuu soo xiro dhammaadkii bishii hore ee Febraayo.

Lacag aan badneyn oo cadadkeeda lagu sheegay 60,000 $ ayaa la sheegay inuu madaxweynuhu u diray shirka Dhuusamareeb iyadoo odayaasha iyo guddiga shirka  wada ay aad u saluugeen lacagtaasi, iyadoo la ogyahay in dowladda Xasan Sheekh dhowr jeer shirkii Kismaayo iyo maamulka Axmed Madoobe siisay lacag ka badan 1.5 Milyan (hal Milyan iyo Bar doolar).

Xubno badan oo ka mida guddiga iyo odayaasha wada shirka Dhuusamareeb ayaa si weyn uga soo horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh iyo qorsheyaashiisa ku aadan maamul u sameynta Gobollada dhexe. Dadaalka ugu damnbeeyay ee dowladda Federaalka ayaan la ogeyn waxa uu ka bedeli doono shirka  Dhuusamareeb oo bishii labaad  socda.

Isha: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News