XOG: DFS oo wadda qorshe FAROOLE looga adkaanayo doorashada P/land

Minneapolis (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowlada Federaalka Soomaaliya Faarax Cabdiqaadir, uu booqasho lama filaan ah ku tegay magaaladda Minneapolis ee cariga Maraykanka, intii waftiga madaxweyne Xasan Sheekh ay ku sugnaayeen Mareykanka, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay Soomaalida ku dhaqan.

Wuxuu kala hadlay Dadkii uu la kulmay Guulaha ay gaartay Dowladda Federaalku, Qorshayaasha ay damacsan yihiin iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in lala shaqeeeyo Dowladda.

Kulan gaar ah

Markii uu soo dhamaaday kulankii guud oo ka dhacay Hotel Double Tree, Wasiirku wuxuu kulan gaar ah la yeeshay xubno isugu jiray Ganacsato iyo Siyaasiyiin kuwaas oo ka soo jeeday Puntland isagoo kala hadlay doorashooyinka soo socda ee lagu wado inay ka dhacaan Garoowe .

Sida aan xogta kaga helnay mid ka mid ah xubnihii ka qayb galay kulankaas, Wasiir Faarax wuxuu codsaday in gacan lagu siiyo sidii loo bedeli lahaa Xukuumada Madaxweyne Faroole oo uu ku tilmaamay mid aan la jaan qaadi karin Dowladda dhexe ee Muqdisho caqabadna ku ah soo celinta qaranimadii Soomaaliyeed.

“Kulankaas aniga wa la igu casumay runtii dadka loo yeeray waxay ahaayeen dad xul ah oo gaaraya ilaa 20 qof Wasiirkuna wuxuu nagala hadlay doorashooyinka soo socda ee Puntland isaguu nagu booriyey in aanu ku taageerno dadaalada ay ugu jiraan sidii loo bedeli lahaa Xukuumada Madaxweyne Faroole” Sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadkii ka qayb galay kulankaas oo ka cudur daartay in la soo xigto magaciisa.

Wuxuu balan qaaday inay Taageero Dhaqaale iyo mid Siyaasadeed u fidin doonaan siyaasiyiinta loolanka ugu jira doorashada Madaxtooyada 8 Jan, 2014 si ay u noqdaan kuwo awood u leh inay la tartamaan Xukuumada Faroole oo iyadu dadaal ugu jirta sidii mar kale xafiiska loogu dooran lahaa.

“Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya waxaanuna jecelnahay in aanu la yeelano xiriir fiican laakiin Faroole kama turjumayo taas, runtiina wuxuu caqabad ku yahay soo celinta qaranimadii Soomaaliyeed idinkana horumar idiin ma horseedi doono” Ayuu ku yiri Wasiir Faarax Xubnihii uu la kulmay .

Isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu yiri “Anagu dan gaar ah kama lihin Puntland, laakiin waxaanu doonaynaa inay halkaas ka dhalato Xukuumada xiriir iyo wadashaqayn fiican nala wadaagta oo wax ka bedesha hab dhaqanka Xukuumada hada jirta”

5 Aug, 2013 ayey Dowlada Puntland joojisay guud ahaan xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka kadib markii ay sheegtay in dastuurka la beddelay.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com