Khilaaf cusub oo soo kala dhex galay DFS iyo Maamulka Axmed Madoobe

Nairobi (Caasimada Online) Warar lagu kal soonaan karo oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in uu jiro khilaaf xoggan oo ka billowday dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ee  Jubba.

Afhayeenka maamulka Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax oo saakay la hadlay BBC-da isagoo ku sugan Nairobi wuxuu sheegay in maamulka Axmed Madoobe uusan ka qaybgali doonin shirka dib-u-heshiisiinta ee arrimaha Jubbooyinka oo shanta bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Mar la weydiiyay sababta aysan uga qaybgaleynin shirka Muqdisho, wuxuu sheegay in maamulkooda sida ballanta ahayd uu ahaa in ay tagaan magaalada Muqdisho, waaynu tagnay ayuu yiri.

“Heshiiskii Addis Abaaba ee aan gaarnay annaga iyo dowladda fedaraalka wuxuu ahaa in Muqdisho aanu tagno waanu tagnay oo madaxda dowladda iyo salaadiinta beelaha degga gobaladaas ayaan la kulanay, waxa dhimman kaliye waxa weeye siddii gogol nabadeed aanu ugu qaban lahayn magaalada Kismaayo” ayuu yiri Seeraar.

Waxaa kaloo uu sheegay Afhayeenka Maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar, in qoddobka dhigaya in shirka lagu qabto dowladda uu ka soo baxay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, mana ahan ayuu yiri qoddob annaga naquseeyo.

Seeraar ayaa wax laga weydiiyay in sannad ay ka soo wareegtay markii maamulkooda iyo ciidanka Kenya ay ka qabsadeen magaalada Kismaayo, haddana dadka ku dhaqan magaalada ay cabsi heesato.

Wuxuu ku jawaabay in arrintaas aysan ahayn mid hadda bilaabatay, balse wuxuu yiri intii aan Kismaayo joognay waxa ay dad badan noqdeen kuwa xor ah.

“Kismaayo waxa ay ahyad xabsi kor ku xiran “ ayuu yiri Seeraar.

Dhawaan xukuumadda Soomaaliya waxa ay magacowday guddi wasiiro iyo danjirayaal isugu jira kuwaasoo qabanqaabinaya shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi