Xog: Dhallinyarada foodda leh oo loo diiday qaadashada baasaboorka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho ee ka cabanaya in loo diiday qaadashada Baasaboorka Soomaaliga ah, kadib markii lagu amray in ay iska soo jaraan timaha horey iyo gadaal kala dheer ama foodda ay u jaran tahay.

Caasimada Online ayaa la kulantay dhowr qof oo kamid ah dhalinyarada Muqdisho ee loo diiday Baasaboor ilaa ay iska jaraan foodda, waxayna si isku mid ah noogu sheegeen in shaqaalaha howsha wada gaar ahaan qolada qaada sawirrada islamarkaana xogta diiwaan gelisa ay ka diideen. 

Caadiyan qofka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliga ah waxaa qasab ah in uu soo muuqdo wijiga ilaa dhagaha hase yeeshee in la jaro timaha ayaa ah dhaqan ku cusub Muqdisho.

Dhinaca kale, taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Korneel Koofi ayaa ka hadlay arrintaan. Korneel Koofi ayaa isagoo u jawaabaya qof soo dhigay Facebook waxa uu ku yiri “waa arrin cusub oo la yaableh anigoo ka tirsan xafiiska ma ogi ee faah-faahin naga sii sheekadaan” 

Dad badan ayaa hadalka taliyaha u qaatay mid jees jees ah, waxaana ka dhashay falcelin badan iyadoo inta badan dhalinyaradii ka hadashay arrinkaas ay isku mid ah uga cabanayeen arrintaan. 

Xariiro aan la sameynay Korneel Koofi iyo saraakiisha kale ee Hay’adda Socdaalka ayaan wali helin si aan uga helno faah faahin intaan ka dheeri ah.