Shirka doorashooyinka oo galay maalintiisii labaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga ee arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa galay maalintiisii labaad, kadib markii uu shalay si rasmi ah u daah-furay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku billaabmay jawi deggan, waxaana ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka iyo sidoo kale duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka, si xal waara looga gaaro.

Sidoo kale waxaa shirkani lagu dhammeystirayaa heshiiskii 17 September, kaas oo saldhig u ah doorashooyinka sanadkan ka dhacaya gudaha Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu soo qaban-qaabisay shirweynahan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujisay in is faham buuxa looga gaari doono arrimaha doorashooyinka.

“Ra’isul Wasaaraha wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaasul, is qancin walaaltinimo, ahmiyadda koowaadna la siinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo dalka uu aado doorasho leysla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimu.

Dhinaca kale waxaa xalay Muqdisho ka dhacay kulamo siyaasadeed oo dhammaantood looga hadlayey xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan marxalada adag ee kala guurka ah.

Kulanka koowaad ayaa wuxuu dhex-maray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta gobollada Waqooyi oo uu horkacayey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, iyada oo diirada lagu saaray tabashada xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka ah, gaar ahaan dhismaha guddiga doorashada.

Waxa kale oo xalay Caasimada ka dhacay kulan dhex-maray madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah musharraxiinta mucaaradka, sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Cabdishakuur iyo Dhuxulow, waxayna ka wada-hadleen doorashada.

Soomaaliya ayaa weli ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay is jiid-jiidka doorashooyinka, waxaase haatan rajo weyn laga qabaa shirka ka socda Afisyoone oo la filayo in go’aan kama dambeys ah looga gaaro, sida looga gudbi karo xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro.