Daawo: Beel Muqdisho kulan weyn ugu qabatay ciidankii diiday muddo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online) –Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir waxaa maanta lagu qabtay kulan loogu mahad celinaayey saraakiishii, askartii  iyo mas’uuliyiintii sida xoogga ah uga hor-tagtay mudo kororsigii fashilmay ee uu dhawaan sameystay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulankaas oo ay kasoo muuqdeen xildhibaano, odayaal dhaqan iyo saraakiil isku heyb ah oo ka soo wada jeeda beesha Murusade ayaa geesiyaal Qaran loogu aqoonsaday ciidamadii Badbaado Qaran ee gudaha u soo galay caasimadda Muqdisho, markii uu Farmaajo saxiixday laba sano mudo kororsi ah.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar, Senator Cabdi Dhuxulow Dhegdheer, Xildhibaan Mustaf Cali Dhuxulow, Xildhibaan Cabdullahi Gaafow Maxamuud, Saraakiishii beesha Murusade ee ka qeyb qaatay ka hor-taggii mudo kororsiga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Deyniile ayaa kasoo muuqday kulanka.

Nabadoon Xaad oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Dadka aan metelno, ee aan magacooda halkaan ku fadhino, waxaan rabnay inay halganka qeyb ka qaataan, waana ka soo baxeen kaalintaas, waa inay dadkeenu noqdaan kuwo u qalma inay hoggaanka u qabtaan dalka.”

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa yiri, “Dalal ay ugu horeeyaan kuwa Afrika, waxaa lagu yaqaan in ciidamadu afgembi ka sameeyaan, laakiin ciidankeenu waxay baal-dahab ah ka galeen ilaalinta dimuquraadiyadda, waxay ku guuleysteen inay dalka kala dambeyntiisii soo celiyaan iyo inay afgembi siyaasadeed ka hor tagaan, waxay ka shaqeeyeen xasiloonida dalka, waa arrin lagu faani karo oo taariikhda u geli doonta ciidankeenna.”

Senator Dhegdheer ayaa yiri, “Markii madaxdii aan dooranay ee madaxweynuhu ugu horeeyo ay sharcigii iska laabeen, oo doorashadii dalka ay laaleen, oo mudo kororsi ay aadeen, ciidamadii, siyaasiyiintii iyo shacabkii ka dhiidhiyey, anigoo munaasababaad uga faa’iideysanaya waxaan leeyahay waa mahadsantihiin.”

Ugu dambeyntii guddoomiye Jacfar iyo mid ka mid ah saraakiishii ka qeyb gashay kulankaas ayaa sheegay inay guteen mas’uuliyadii loo igmaday ee ka saareyd dadka iyo dalka, isla markaana ay sii wadi doonaan ka hortagga wax kasta oo liddi ku ah sharciga iyo kala dambeynta dalka.

Hoos ka daawo Warbixinta