Ciidamada ammaanka iyo koox hubeysan oo maanta ku dagaalamay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, siiba degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Weerarkan oo uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay saldhigga Booliska degmada Kaxda, kadib markii ay weerareen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in iska hor imaad muddo kooban socday uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in xalay, illaa saaka ay howl-gallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaasi, kuwaas oo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey weerarkaasi oo ahaa mid lasoo qorsheeyey.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Kaxda oo ku taalla koonaha magaalada ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan iyo dilal ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo u badan qaraxyo qaarkood lagu dilay saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomalaiya.