DF oo meesha ka saartay shaki ay musharraxiinta ka qabeen doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan ammaanka doorashooyinka sanadkan ka dhacaya gudaha Soomaaliya.

Xundubey ayaa marka hore shaaca ka qaaday in saraakiisha laamaha amniga dowladda Soomaaliya ay u diyaar garoobeen sugida amniga goobaha loo qorsheeyey doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray walaaca iyo shakiga ay midowga musharraxiinta mucaaradka ka qabeen sugida amniga doorashooyinka dalka, wuxuuna tilmaamay saraakiisha laamaha amniga ay kulamo gaar gaar ah la qaateen saamileyda siyaasadeed, isla-markaana xilligan uusan jirin shaki ka taagan dhinaca amniga ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay, haddii heshiis buuxa lagu gaaro shirka ka socda Teendhada Afisyooni ay si rasmi ah u bilaaban doonto doorashada.

“Haddii maanta shir lagu heshiiyo ee la yiraa beri ayae doorashada bilaabaneysaa wasaaradda amniga iyo guud ahaan aay’adaha amniga waa u diyarsan yahay qorshahooda,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dhowaan Muqdisho ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo mucaaradka, kaas oo keenay in intooda badan ciidamadii kasoo horjeeday muddo kororsiga laga saaro gudaha caasimada, kadib dagaallo culus oo ka dhacay.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid yare deggan, waxaana jawi qurux badan ku billowday shirka ka socda Afisyooni oo lagu jiheynayo doorashooyinka 2021-ka.