Midowga Afrika oo ka hadlay go’aankii DF Soomaaliya iyo is-casilaadii John Mahama

Addis Ababa (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadlay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku ndiiday ergeygii uu ururkaasi usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya,  ahna madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama.

Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga xun yahay go’aanka Soomaaliya oo sababay inuu is-casilo ergeygaasi, kadib markii markii ay ku gacan seertay dowladda.

“Waxaan muujineynaa sida ay uga xun tahay go’aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, iyadoo diiday magacaabista H.E. Mr John Dramani Mahama, isagoo ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale ururka ayaa ka dalbaday guddoomiyaha Midowga Afrika inuu sii wado dadaalka iyo wada-hadalka uu la leeyahay dowladda Soomaaliya, si loo xalliyo khilaafka haatan jira.

“Waxaan ku boorrinaynaa guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sii wado wadahadalka uu la leeyahay DFS si loo xalliyo khilaafka jira isla markaana uu warbixin uga siiyo Golaha sida loogu dhaqaaqayo la macaamilka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Golaha Amniga (PSC),” ayaa markale lagu yiri bayaanka kasoo baxay Ururka Midowga Afrika.

Go’aanka uu qaatay John Mahama oo iska casilay ergeynimadiisii ayaa yimid kadib markii ay dowladda federaalka kasoo horjeesatay magacaabistiisa, waxana ay sheegtay inuu xiriir dhow la leeyahay dowladda Kenya, oo Soomaaliya ay kala dhaxeyso xiisad siyaasadeed. 

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale horey warqad ay u qortay Midowga Afrika ku sheegtay in kulanka uu ra’iisul wasaare Rooble isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho uu ka dhiggan yahay inaan loo baahneyn ergey.