Xog: Doorasho ka dhacda Baydhaba oo la doonayo in lagu xiro sii deynta Roobow

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba si weyn uga socda abaabulka kulamo iyo banaan-baxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen. 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in abaabulka socda uu yahay mid lagu diidan yahay in ay doorasho ka dhacdo Koonfu Galbeed, ilaa laga soo daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo laba sano iyo bar ah u xiran dowladda federaalka.

Siyaasiin, saraakiil ciidan iyo odayaal dhaqan oo ku beel ah Abuu Mansuur ayaa arrimahan ka billaabay Muqdisho iyo Baydhaba, iyadoo durba Baydhaba ay wajaheyso culeysyo iska soo horjeeda oo hab beeleed u abaabulan. 

“Waxaa naga go’an in aanan Baydhaba doorasho lagu qaban ilaa uu xorriyadiisa dib u helo Abuu Mansuur,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal oo la hadlay Caasimada Online. Yuusuf waxa uu ka tirsan hoggaanka Xisbiga uu Abuu Mansuur aas aasay ka hor inta aan la xiran. 

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur waxaa daba-yaaqada sanadkii 2018-kii laga xiray Baydhabo isagoo ah Murashax Madaxweyne waxaana xarigiisa ka dhashay banaanbaxyo sababay dhimashada ilaa 15 qof iyo dhaawacyo badan, oo ay gaysteen ciidamada dowladda.

Abu Mansuur ayaa la xiray kadib markii uu Villa Somalia ka diiday inuu ka haro doorashada, ayada oo laga cabsi qabay inuu kaga adkaayo Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay Villa Somalia wadatay.