DF oo si kulul uga hadashay weerar lagu qaaday xarun ay leedahay hay’ad Qatari ah

Gaza (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo ay ciidamada Israel la beegsadeen xarunta Hay’adda Bisha Cas ee Qatar ay ku leedahay Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Weerarkan oo dhacay Isniintii 17-kii May, intii ay socdeen weeraraddii Israel ee Gaza, ayaa lagu dilay laba qof oo Falastiiniyiin ah, ayada oo 10 kale lagu dhaawacay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliyaa ayaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ciidamada gumeysiga Israel ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hey’adda Bisha Cas ee Qatar ee Marinka Gaza galabnimadii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay geeri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba galabsan iyo burbur lixaad leh oo haleelay dhismaha Isbitaalka Hamad bin Khalifa oo adeegyo caafimaad u fidinayay dadka naafada iyo kuwa baahida gaarka ah qaba.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Falkani waa talaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha ayaa lagu yiri.” 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar ayaa sidoo kale horey u cambaareysay weerarkan ayada oo sheegtay in beegsiga hay’adaha gargaarka bani’aadannimo iyo warbaahinta ay yihiin xadgudub cad oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga ah iyo dhaqanka iyo qiyamka bani’aadannimada.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u cadeysay mowqifkeeda ku aadan damaca Israel ay ku boobeyso dhulka Falastiiniyiinta, waxayna cod dheer ku sheegtay in reer Falastiin ay mudan yihiin garab istaag dhab ah oo ay ka helaan walaalahooda Carbeed.

Todobaadyadii la so dhaafay waxaa cirka isku shareeray isku dhacyada ciidamada Yahuudda iyo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Qaza iyo Qudus, waxaana dhintay boqolaal qof oo isugu jiray Falastiiniyiin iyo Yahuud, inkastoo khasaaraha ugu badan uu gaaray shacabka Falastiin, sidoo kale ciidamada Israel waxay dhulka dhigeen dhismayaal waaweyn oo ku yaallay Qaza iyo Qudus.

Kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta oo ay ugu horeyso Xamas ayaa dhankooda gantaalo ku tuuray magaalooyinka muhiimka ah ee Israa’iil, waxayna u geysteen khasaare xoog leh, kadib markii gantaallada qaar ay ka gudbeen difaacyadii ciidamada Israa’iil.