Al-Shabaab oo weerar jid gal ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya

Mandheera (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dagaal culus oo deegaano ka tirsan Gobolka Mandheera ee dalka Kenya ku dhex maray xubno ka tirsan kuwa Al-Shabaab iyo ciidamada Dowladda Kenya ayaa sheegayo inuu ka dhashay khasaaro xoog leh.

Maleeshiyo kamid ah kuwa Al-Shabaab ayaa kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ku socdaalayay wadada u dhaxeeysa deegaanada Taagaabo iyo Baanisa ee gobalka Mandheere ku qaaday weerar jid gal ah oo ku bilowday qaraxyo.

Hubka ay is dhaafsanayeen Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa waxaa si weyn looga maqlayey deegaanada u dhow dhow halka uu dagaalka ka dhacay, waxaana sidoo kale la maqlayey dhawaq loo maleenayo inuu yahay qaraxyo ay Al-Shabaab la beegsatay kolonyada jidka loo galay.

Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay fulisay Al-Shabaab isla markaasna lagu dilay 13 isugu jirta saraakiil iyo Askar Kenya ah, sidoo kalana laga gubay gaari ay lahaayeen Ciidamada Kenya.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari oo ka hadlay weerarkaas ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in weerarka ay uga dhinteen Saddex Sarkaal saddex kalena ay uga dhaawacmeen.

Gaadiidka ay wateyn ciidamada Kenya ee jidka loo galay ayaa waxay usoo socdeyn xuduuda Soomaaliya iyo Kenya halkaas oo ay rabeyn inay ka sameeyaan howlgalo lagu beegsanayo xubno ka tirsan Al-Shabaab.