Xog: Dhaqaale ka imanay 5 dhinac oo lagu maal gelinayo Guuleed (Xasan Sh. oo qorshe dejiyey)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa hantidii dalku lahaa, looguna talogalay in lagu bixiyo adeegyada asaasiga ah ee dalku u isticmaaleysa sidii ay Maamulka Gobolada dhexe ugu soo saari lahayd Musharaxa Kooxda Damjadiid Cabdikariin Xuseen Guuled.

Dhaqaalaha lagu maalgelinayo Cabdikariin Guuleed ayaa la sheegayaa inuu ka imaanayo:-

1- Qeyb ka mid ah dhul Wasaaradda Gaadiidka lahayd oo dhowaan Maamulka Gobolka Banadir sharciyeeyay, dhulkaa oo Qeyb laga siiyey dad Dawladdu ka soo dumisay Dhulal ku dhow Garoonka Diyaaradaha, qeybo kale oo dhulkaa waxaa loo qeybiyey shaqsiyaad la doonayo in campaign ka Cabdikarin Xusse  ka qeyb qaataan, sidoo kale dhulkaa ayaa qeyb ka mid ah loo lacageeyey campaign ka Abdikarin Hussein Guled.

2- Dhaqaale kale ayaa ka soo xeroonaya  dhul Dawladdu horey u lahayd balse maamuladii hore Dawladdu u sharciyeeyeen shacab degenaa , dhulkaa oo ku yaalay agagaaraha Dugsiga Farsamada Politicnico, labaajada Cabdi Wariiri, dhulkaa oo la sheegayo in laga iibiyey ganacsato isugu jira Soomaali iyo Turkey.

3- Dhaqaalaha lagu maalgelinayo Musharaxa Madaxweynaha Dawladda Frderaalka iyo Kooxdiisa Damjadiid waxaa qeyb ka ah Dhaqaale fara badan oo ka imaanaya company-yada sida sharci darada ah lagula wareejiyey Maamulka Garoonka Diyaaradaha Iyo Dekedda magaalada Muqdisho.

Dhaqaalaha ka soo Xarooda Dekedda iyo Garoonka Muqdisho oo ah mid aad u fara badan ayaa company-yada Turkey ga ee Maamula ay Hal bil kaliya sheegeen Lacagta kasoo xarootay service ka Dekedda Muqdisho.

Sheegitaanka dhaqaalaha ka soo Xarooda Dekedda Muqdisho ayaa waxaa joojiyey Madaxweynaha Dawladda Somalia iyo Kooxda Damjadiid, sidoo kale Garoonka Diyaaradaha oo companyga dalka Turkey laga leeyahay ee maamula FAVORI LLC waxaa la maamula company uu Madaxweyne Xassan Sheekh iyo xubno Kooxda Damjadiid leeyihiin.

Companyga FAVORI LLC ayaa Garoonka Muqdisho ka qaada lacago ay kamid yihiin Landing Fee, Navigation Fee, Handling Fee dhaqaalaha oo ah mid aad u fara badan. Inkastoo company FAVORI LLC uu casriyeeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee Aden Abdulle Osman haddana shacabka Somaliyeed wuu ka qarsan yahay dealka garoonkaas.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Diyaaradaha yimaada aad u sii badanayaan ayaa dhaqaalaha kasoo baxa uu ku baxa inta badan musuqmaasuq iyo campaign ka Madaxweynaha siduu uu dad uu isagu wato uga soo saari lahaa Labada dawlad Goboleed oo dhiman si Kooxda Xassan Sheekh iyo Damjadiid u soo laabtaan doorashada 2016-ka.

4- dhaqaalaha lagu maalgelinayo Musharaxa Kooxda Damjadiid ayaa sidoo kale ka imaanaya Canshuuraha Maamulka Gobolka Banaadir, Canshuuraha Bariga, dhulalka Dawladda oo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladdu boobka ku hayaan, dhaqaalahaas oo xisaab ahaan cid ka war qabta aysan jirin.

Gudomiyaha Gobolka Banaadir Gen Muungaab oo la filayey in xilka laga qaado ayaa waxaa xil ka qaadistiisa uu Madaxweyne Xasan Sheikh dib ugu dhigay codsi ka yimid Musharaxa Kooxda Damjadiid Cabdikariin Husein Guled oo Dhaqaalo badan ka hela Gen Muungaab.

5- Isticmaalka awoodeed ee sharci darada ah ee Dawladda Soomaaliya u isticmaalayso sidii ay u soo saari lahayd Musharaxa Damjadiid waxaa ka mid ah wasiiradda xukuumadda ee ka soo jeeda beelaha Gobolada dhexe, balanqaadyo xubnaha guddiga Farsamadda ee jagooyin sare ee qaranka sidoo kale balanqaadyo xilal kala duwan oo beelaha Gobolada dhexe ee Soomaaliya u samaynayo Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sheikh si dad Madaxweynaha ku Xisbi ah looga dhigo xubnaha Baarlamaanka ama xubnaha beelahaa balanqaadyada la siiyey xildhibaanadooda u doortaan Abdikarin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale Kooxda Madaxweyne Xasan sheikh oo doonaysa in Musharaxa Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweyne uga dhigaan Gobaladda dhexe ayaa haatan u arkay inuu qorshahooda guracan uu qatar ku yahay Amb Ahmed Cabdisalaan ayaa haatan bilaabay inay Ambassador Axmed ku dhaleeceyaan dalkii uu Somalia safiirka uga ahaa sannadihii ugu danbeeyey ee Itoobiya xiriirka diplomaasi uu la leeyahay taas oo ah arinta Dawladda Somalia ugu dirsatay safiirkoodii dalka itoobiya. Safiirada dalalka caalamka u dirsadaan dawladdaha dalalka caalamka ayaa shaqadooda waxaa ka mid ah in xiriirka dalka ay ka socdaan iyo dalka loo magacaabay inay wanaajiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com