Xog: Afeey oo warqad FADEEXO ah ka gudbiyay Dowlada federaalka Somalia (Maxaa ku qornaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey uu IGAD iyo QM Midoobay u gudbiyay warqad sir ah oo uu ku fadeexeynaayo dhismaha DF Somalia.

Warqada oo la sheegay inay ka koobaneyd dhowr beej ayaa waxa uu ku qoray qoraal uu ka diyaariyay Musuq-maasuqa iyo dhibta Siyaasadeed ee xiligaani ka taagan gudaha Somalia gaar ahaan Villa Somalia, sida uu isaga hadalka u dhigay.

Waxa uu qoraalka ku sheegay in guud ahaan dhaqaalaha Somalia uu gacanta u galay Seddexda Mas’uul ee ugu sareysa dalka, halka kuwa soo harayna ay yihiin kuwa la daala dhacaayo faragalinta Wasaaradaha loo magacaabay, taasi oo sababtay in Somalia ay ka xirxiranto dhaqaalihii loogu talo galay inay galaan suuqyada.

Shaqooyinka DF Somalia ayuu ku sheegay inay kusoo biyo shubatay Musuq-maasuq, Nin jecleysi iyo faragalin Hanti qaran, waxa uuna qoraalkaasi ku lifaaqay qorshihii lagu laalay Baarlamaanka Jubbaland oo aqoonsi ka waayay DF Somalia oo uu ku micneeyay mid Dowladu ay ku cuuryaamineyso Mustaqbalka dadyowga ku hoos nool Maamulka Jubbland.

Nuqul kamid ah qoraalkiisa oo ay Caasimada Online heshay ayaa u qornaa ”Horusocodka Somalia waa mid ay caqabad ku yihiin Madaxda dalka. waxaa hortaagan shaqsiyaad uu kamid yahay Xassan Sheekh oo isha ka daawanaayo dhacdooyinka socda. dhaqaaluhu waa mid aan dhaafsaneyn Villa Somalia, dalkuna waxa uu la ciir ciirayaa dhaqaalo xumi waxa ayna sababtay in shaqaalaha DF aysan helin xuquuqdii”

”Faragalinta hantida Qaranka waxa ay ku soctaa si xooli ah, sababtuna waxa ay tahay u diyaar garowga Xassan Sheekh doorashada soo socta ee mudada kooban ay naga xigto, xisaab xirkii sanadka tagay waxaa suuragashay in qasnada DF aan laga helin wax dhaqaale ah taasi oo cadeyneysa inay gashay gacanta shaqsiyaad gaar ah”

”Waxaa la kala geynayaa Maamuladii dalka. waxaa laga hor imaanayaa sharciyada yar yar oo ay sameysteen si ay isku xukumaan una dhistaan maamulo ay ka amar qaatan, nasiib darro waxaan jirin cadaalad kala xakunto Maamulka iyo shacabka”

Dhanka kale, waxa uu aad uga deyriyay qaabka ay DF Somalia u wado qorshaha Hiigsiga cusub ee la doonaayo in dalka lagu gaarsiiyo heer doorasho oo nin iyo codkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com