Video: Jubbaland oo ku dhowaaqday in Somalia ay ka go’day oo ay raadineyso gooni isKu-taag !!

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’ayaan Soomaaliya, islamarkaana ay raadi doonaan gooni isu-taag rasmi ah, si la mid ah maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

Go’aanka Jubaland ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska maamulkaas Qamar Khaliif Xaaji Deeq oo dadweyne tiro badan kula hadashay magaalada Kismaayo.

Haweeneydan oo aflagaado u tirsay baarlamanka iyo dowladda Soomaaliya iyo si gaar ah xildhibaaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada ugu howl karsan baarlamanka, ayaa muujisay inay ka carreysan tahay mooshinkii lagu sharci darrayeeyey baarlamanka Axmed Madoobe.

“Laga billaabo maanta waxaan aqoonsannahay oo aan taagereynaa gooni isutaagga Somaliland, annagana waxaa go’aansannay inaan raadino gooni isu-taag” ayay tiri Qamar.

Halkan ka daawo Qamar oo arrintaas ka hadleysa.