XOG: Isku shaandheyn lagu sammeynayo golaha wasiirada DFS + Magacyada kuwa la beddalayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha uu wado qorsho uu ku sameynaayo Isku shaandheyn dhanka Golaha Wasiirada DF.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Ra’isul wasaaraha uu qorshahaasi hordhigay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxaamud, waxaana la soo warinayaa in Xassan uu fakirkaasi ku raacay.

Ra’iisul Wasaaraha oo haatan safar dalka uga maqan ayaa la sheegay in ka hor inta aanu dalka ka bixin ay isaga iyo Madaxweynaha dhowr jeer isla arkeen arrinta isku shaandheynta, waxaana la sheegayaa inay isla meeldhigeen arrimo badan oo ay kamid yihiin qaabka leysugu shaandheynaayo iyo sida ay ugu haboon yihiin Xubnaha.

Sidoo kale, xogta ayaa intaa kusii dareyso in arrinta ku saabsan isku shaandheynta ay aheyd mid maalmihii la soo dhaafay ay aad isu soo taraysay, inkastoo aan wali labada mas’uul ee dalka ugu sareysa aysan xal rasmi ah ka gaarin isku shaandheynta, balse wada tashiyada ay ahaayeen kuwo horu dhac u ahaa isku shaandheyn dhowaan la filayo inay dhacdo.

Waxaa la filayaa in xubno cusub ay kamid noqon doonaan Wasiirada, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya inay suuragal tahay in tiro kordhin lagu sameeyo Golaha wasiirada, halka qaar kamid ah Wasiirada iminka jirana ay daaqada ka bixi doonaan, sida ay xogtu sheegeyso.

Wasiirada ugu muhiimsan ee uu isbedelka saameyn doono ayaa waxaa kamid ah:

  1. Wasiirka Qorsheynta, Abdirahman Aynte: Waxaa lagu bedeli doonaa Mustaf Dhuxulow
  2. Wasiirka Arrimaha Dibedda, Abdisalaan Hadliye: Waxaa lagu bedeli Doonaa (Abdirahmand Beyleh)
  3. Wasiirka Amniga Qaranka, Abdirazaq Omar: waxaa lagu bedeli doonaa Dr. Abdinur Sh. Mohamed
  4. Wasiirka Gaashaandhiga, Abdulkadir Sh. Ali Diini: Waxaa lagu bedeli doonaa Cabdirashiid Xiddig, sida loo badinayo
  5. Wasiirka Waxbarashada, Drs. Khadar Bashir Ali: Waxaa lagu bedeli doonaa Xil Abdulkadir Hashi
  6. Wasiirka Caafimaadka, Xaawo Xasan Maxamuud: waxaa lagu bedeli doonaa – Dr. Abdullahi Cusmaan (Xiireey)
  7. Wasiirka Maaliyadda Maxamed Adan Ibrahim: waxaa lagu bedeli doonaa – Maxamed X. Cabdinuur (Madeer)

Isku shaandheynta ayaa la filayaa inay dhacdo wixii ka dambeeya 18-ka June markaasi oo wasiirada ay 6 bilood u buuxsami doonto, maadaama kahor aan xilka laga qaadi karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com