Xog cusub: KENYA oo bahdilaaddii ugu darneyd ku sameysay mas’uuliyiin ka tirsan DFS (CEEB)

Nairobi (Caasimada Online)-  Dowlada Kenya ayaa bahdilaad daran u geysatay xubno ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan in bahdil xun dowlada kenya ay kula dhaqantay xubnaha dowlada Soomaaliya ee maalmahaan ku xayirnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya loo diiday iney kasoo duulaan garoonka diyaaradaha ee Kenya.

Waxaa wararka aan heleyno ay sheegayaan in markii dambe ay dalbadeen iney ka qeyb galaan shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, laakiin markii dambe loo ogolaaday iney kasoo duulaan dalka Kenya.

Laakiin bahdilka ugu weyn ayaa ka dhacay kadib markii masuuliyiinta dowlada la saaray diyaarad qaad waday  oo aan nadaafad ahaan wanaagsaneyn, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno xog ogaal ah.

Waa bahdilaadii ugu xumeyd oo lagu dhigay xubnaha ka tirsan dowlada Soomaaliya, kadib markii Kenya ay joojisay duulimaadyadii ka tagi jiray magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com