Beel muhiim u ahayd shirka CADAADO oo isaga baxday (Go’aankan oo shirka bur-burin kara) !!!

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe hakad ku jiro ayaa sheegaya inuusan furmin shirkii lagu waday maanta in dib loo ambaqaado kadib markii ay soo baxeen khilaafaad cusub.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka oo Cadaado ku sugan ayaa dadaal ka dhex bilaabay ergada shirka iyo guddiga farsamada oo isku maandhaafsan qaabka shirka loo wadayo iyo awoodaha labada dhinac, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in beelo cusub ay qarka u saaran yihiin inay ka baxaan shirka.

Beesha shirka martigelineysa ee degaanka Cadaado ayaa ka carootay qorshe aan soo shaac bixin oo wasiirka arrimaha dibadda wato, waxayna isu diyaarineysaa inay goor dhow shir jaraa’id ka shaaciso inay gebi ahaan ka baxday shirka oo ay bannaanka ka taagan tahay kadib markii ay cabasho ka keentay dadaalka Wasiir Odowaa wado.

Shirka oo markii hore xaalad xasaasi ah ku jiray ayaa u muuqda inuu sii adkaanayo, waxaana shirka oo maanta furmi lahaa uu dib ugu dhacay ilaa xilli aan la garaneyn iyadoo barbar socdaan dadaallo is daba joog ah oo lagu doonayo in shirka lagu furo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com