Xog dheeraad ah oo laga helayo Soomaali badan oo lagu xasuuqay Yemen iyo arrin laga naxo oo..

Sanca (Caasimada Online) – Wakaalladda Wararka Yemen ee lagu magacaabo ‘’Saba’’ ayaa daaha ka rogtay in ku dhawaad 12 Muwaadiniin Soomaali ah ay ku dhinteen duqeymo lixaad leh oo ay geysteen Diyaaradaha dagaalka Isbaheysiga Sacuudiga.

Soomaalidaani geeriyootay, ayaa xiliga ay Gantaaladaasi lala beegsanaayay ku howlanaa burinta nolol maalmeedkooda.

Weerarka lagu dilay Soomaalidaasi ayaa ka dhacay Buundo ku taalla Degmadda Bagiim ee Gobalka Sacda ee Waqooyi galbeed ee dalka Yemen.

Warar ay baahiyeen Saxaafada gudaha ee dalka Yemen ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in geerida Soomaalidaasi ay tahay ilaa 12 ruux, islamarkaana ay jiraan tiro kale oo uu soo gaaray dhaawac culus.

Weerarka noocaasi ah ayaan aheyn kii ugu horeeyay oo ay Sacuudiyaanka la beegsadaan Muwaadiniinta Soomaalida ee dalkaasi ku harsan.

Dowlada Sacuudiga oo weerarkaasi fulisay wali wax jawaab ah kama soo saarin xasuuqa Soomaalidaasi, iyadoona ay xusid mudan tahay in DF Somalia ay afka ka qabsatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com