Soomaali arrin ay damacsanaayeen loogu xiray..

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Masar ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Ammaanka fashiliyeen Isku-day ay Muhaajiriin Somali iyo Masaari ku doonayeen inay si sharci-darro ah uga tahriibaan Xeebaha Masar.

Wargeyska The Cairo Post ee ka soo baxa Masar ayaa qoray inay Boliska qabteen 25 Somali la socotay Tareen isaga kala gooshayey Caasimadda dalkaasi ee Qaahira iyo magaalladda Aswaan.

Soomaalida la qabtay ayaa sheegay inay yihiin Magangelyo-doon, waxayna codsadeen in la siiyo Magangelyo Qaxootinimo.

Soomaalidaasi ayaa la sheegay inay sitahriib ah uga soo galeen Xuduudka uu dalka Masar wadaagto dalka Sudan, isla markaana doonayeen inay Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ku leedahay magaalladda Qaahira.

Muhaajiriinta Soomaalida ayaa la sheegay in lagu hayo Baaritaano dheeraad, si loo ogaado ujeedada ay u soo galeen Masar.

Xigasho The Cairo Post

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com