“Haddii aan leyga aqbalin inaan ilmaha iska soo rido, Soomaalida lama noolaan karo” Waxa tiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweeneydaasi oo 23 jir ah ayaa uur qaaday, kadib, markii lagu kufsaday Xarun lagu hayo Muhaajiriinta oo ku taalla Jesiiradda Nauru oo dhanka Waqooyi kaga toosan Australia.

Wargeyska National Post ee ka soo baxa dalka Australia ayaa qoray in Haweeneydaasi ka codsatay Ra’isul-wasaaraha Australia, Maclolm Turnbull inuu u oggolaado inay soo gasho dalka Australia, si ay isaga soo xaaqdo ilmaha aan aabaha lahayn ee ay uurkiisa leedahay.

Haweenaydaasi ayaa la sheegay inay aad u moraal dilaacsan tahay, islamarkaana aysan qolkeeda ka soo bixin tan iyo markii ay rag ka tirsan kuwa ku jira Xeradda Qaxootoga ee Jesiiradda Nauru ay si saf-mareen ah u wada kufsadeen.

Haweeneyda oo la sheegay inay leedahay uur 14 isbuuc ah ayaa la sheegay inaysan si joogto ah wax u cunin.

Garyaqaanadda matalaya Haweeneydaasi ayaa sheegay inay Dowladda Australia ku fashilantay inay aqbalaan Codsigeeda, si ay Haweeneydaasi Kaalmo Caafimaad uga hesho gudaha dalka Australia.

Geothe Newhouse oo Wakiil u ah Haweeneyda Soomaalida ayaa ka dayriyey Xaalladeeda Caafimaad, wuxuuna sheegay inay jiran tahay, islamarkaana tahli kari weyday inay Telefoonka ama Kombiyuutrka kala hadasho Garyaqaanadeeda.

Dhinaca kale, Peter Dutton Afhayeenadda Wasiirka Socdaalka ee dalka Australia, ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho Kiiska Haweeneyda Soomaalida ee lagu kufsaday Xeradda lagu hayo Qaxootiga Magangelyo-doonka ee u soo tahriiba dalka Australia.

Jesiiradda Nauru lagama oggolo in ay ilmaha iska soo ridaan Haweenka la kufsado, inkastoo uu Waddanka Australia ka mid yahay dalalka ugu horreeya ee ay dadka Qaxootiga Magangelyo-doonka ee Doonyaha ku soo gaara Jesiiradaha Nauru amaPapa New Guinea ay isaga soo ridaan ilmaha marka la kufsado ama lagu inkiro uurka.

Wasiirka Garsoorka ee Jesiiradda Nauru, David Adeang ayaa sheegay inay Nauru ka ammaan fiican tahay dalweynaha Australia.

Xigasho: National Post http://news.nationalpost.com/news/world/somali-refugee-pleads-for-abortion-in-australia-after-being-raped-in-nauru-migrant-detention-centre

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com