DF SOMALIA oo kashiftay cabsida Kenya hayso!

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliha guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay ka wal walsantahay saldhg la’aanta qaanuuneed ee doodooda la xiriirto sheegashada badda Soomaaliya.

Dowladda Kenya sida ka muuqata dacwadda ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah waa mid ka marqaati kacaysa xadgudubka badda Soomaaliya, isla markaana rabitaankooda uu ku saleysanyahay in xaaladdu ay ahaato sida hadda tahay, “Status Quo” ayna ishortaag ku sameyso dalabka dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan xadgudubka ay Kenya ku sameysay biyaha Soomaaliya in lagu dhameeyo si waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah iyo Maxkamadda awooda u leh dhageysiga iyo go’aan ka gaarista is qabadyada xadeynta badaha caalamiga ah.

Hadaba Akhriso War-saxaafadeedka

War-Saxaafadeed2