Cumar Cabdirashiid iyo Jawaari oo fikrad cusub u dagaya xildhibaanada shalay maqnaaday (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee aan shalay ka qeyb galin kulankii ka dhacay Villa Hargeysa la doonayo iney miiska wadahadalka yimaadaan.

Gudoomiye Jawaari oo shalay ka hadlayay Villa Hargeysa ayaa ku dhawaaqay in isaga iyo ra’iisul wasaaraha dalka ay dajin doonaan farsamo cusub oo ay kusii wadahadli karaan xildhibaanada mooshinka wada iyo xildhibaanada kasoo horjeeda ee taageersan Xasan Sheikh Maxamuud.

Sidoo kale Gudoomiye Jawaari ayaa isla shalay ka saaray mid kamid ah qodobada ugu weyn ee lagu eedeeynayay madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa Qiyaano Qaran, isagoo sheegay in gabi ahaanba qodobkaasi uusan aheyn mid meesha ku jira.

Sidoo kale wuxuu sheegay in isaga iyo ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya ay isla fiirin doonaan qodobada kale ee lagu eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya ayna ka fakaro doonaan sida lagu dhameyn karo qilaafka taagan.

“Waxaan soo jeedinaya maadaama uu maanta yimid Ra’iisal Wasaaraha in aniga iyo isaga dib isugu laabano, si aan u soo diyaarino qodobada lagu wadaayo in wada hadalada ay ku sii socdaan.  Meesha kuma jirto qiyaano qaran in Madaxweynaha lagu eedeeyay horta qodobkaas meesha kuma jiro, sababtoo ah sharciga ma waafaqsano. Aniga iyo Ra’iisal Wasaaraha waxaan isla soo fiirin doonnaa qodobada kale ee lagu soo eedeeyay Madaxweynaha.” Ayuu sii raaciyay Jawaari.

Maalintii shalay kaliya sagaal xildhibaan oo kamid ah 93 mudane oo mooshin gudbiyay ayaa ka qeyb galay kulankii ka dhacay Villa Hargeysa, waxaana xildhibaanada kale ay cadeysteen ineysan marnaba kulanka ka qeyb galeynin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com