Xog: Xasan Sheekh oo ku gacan seeray guddigii uu magacaabay CCC iyo qabyaaladiisa qayaxan

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus ayaa ka dhashay magacaabidii uu dhowaan Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid magacaabay howlwadeenada Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, iyadoo xubnahan Ra’iisal wasaaruhu cidna kala tashan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan seyray magacaabidda howl-wadeenadan oo ay ka dhex muuqdaan xubno dhowr ah oo ku dhow maamulo iyo shaqsiyaad aan la isku raacsaneyn, waxaana la filayaa in isbedel lagu sameeyo howlwadeenadan ka dhigan guddiga farsamo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale liiska ku badiyey beeshiisa, isaga oo sameeyey sed-bursi Soomaalida ay la yaabeen.

Maamulada K/Galbeed iyo Galmudug aya sidoo kale kasoo horjeestay magacaabidda Ra’iisal wasaaraha ee howlwadeenada Madasha Qaran oo shirkoodii ugu horeeyay fashil ku dhammaaday.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa wararku sheegayaan inuusan xitaa arrintan kala tashan wasiirka arrimaha gudaha oo ka mida wafdiga Ra’iisal wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com