Xildhibaan ka tirsan BF oo CC, Jawaari iyo Xasan Sh. dartood tanaasulaad yaab leh u sammeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamuud, oo kamid ah xildhibaanadii baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka gudbiyay Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay iney ku qanacsan yihiin tallaabada gudoomiye Jawaari uu waddo, maadaama uu sheegay inuu  ka laabtay mooshinkii uu horey u keenay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababaha uu uga laaabtay go’aankiisa hore ay tahay inuu ka warhayo ina marnaba sharciga aysan ku dhaqmeynin madaxa ugu sareyso dalka, kadib markii uu warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in haddii uu kusii taagnaado mooshinkiisa uu ka warhayo inuusan  sii soconeynin, inkastoo uusan cadeynin sababaha uusan kusii socon Karin mooshinka.

“Aniga shaqsiyan Jaamac baa la I yiraahdaa cidna kama wakiil ahi, 93-da ku jiraan , ma oranayo inta kale anaa ka wakiil ah, aniga waan ka noqday mooshinkeygii, laakiin maxaan uga noqday inaanu soconeyn baan ogahay”ayuu yiri xildhibaanka.

“ ma ahan in la dhaho wax kale ayuu uga noqday, waxaan ogahay oo ogaaday inaanu gudoomiye adiga kaa soconeyn, Ra’iisul wasaaraha ka socon waayay, madaxweynaha ka socon waayay, sidaa intii la’isku horfadhin lahaa dee anigu sharci baan rabaye, hadii aad diidaanna halka aad ka gashaan baan ka geli” ayuu yiri xildhibaan Jaamac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com