Sawirro: Taliyaha booliska DF oo jooga Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu Magaalada Garoowe socdaal shaqo ku gaaray Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa waxaa la soo warinayaa in Taliyuhu uu booqasho ku maray Xarumaha ugu waaweyn ee Booliska Puntland.

Taliyaha oo ay wehliyaan Saraakiil farabadan oo kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa kormeeray dhismaha weyn ee ciidanka booliska Puntland halkaasi oo uu warbixino kaga soo dhageystay Saraakiisha xarumahaasi qaabilsan.

Taliyaha ayaa waxbadan ka ogaaday habsami u shaqeynta Saraakiisha iyo Ciidamada Maamulka Puntland waxa uuna Saraakiishu ku wargaliyay in waxbadan uu ka bedeli doono cabashooyinka taagan.

Intaa kadib waxa uu kulan muhiim ahaa la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Maamul goboleedka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar, oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Waxa ay isla qaadadhigeen in waxbadan laga bedelo nidaamka taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Puntland iyo in Ciidamada laga caawiyo tabashooyinkooda.
1

2

3

4

5

6