Xog: JAWAARI oo qarka u saaran in uu is dhiibo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu kulan xasaasi ah maalinimadii shalay dhexmaray Xildhibaanada Mooshinka kaga soo horjeeda Xassan Sheekh iyo qaar kamid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka ayaa waxaa kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in Natiijada iyo shuruudaha kasoo baxay kulanka uu marka hore kala tashan-doono Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kadibna uu dib ugu soo laaban doono Mooshin wadayaasha.

Waxa uu Jawaari sheegay in ahmiyad gaar ah uusiin doono xal u helida Mooshinka, waxa uuna tilmaamay in marka hore ay soo falan qeyn doonaan qodobada ku xusan Mooshinkii Madaxweynaha laga keenay kadibna ay gaari doonaan natiijo.

Sidoo kale, Jawaari waxa uu sheegay in aragti ahaantiisa uu filankaro natiijo dhaxal gal noqon doonto, waxa uuna meesha ka saaray suuragalnimada Isfahan la’aan ay ku kala tagaan iyaga iyo Mooshin wadayaasha.

Geesta kale, Waxa uu sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday iney Waqti u siiyaan Arrintaasi si ay usoo xaliyaan qodobada xasaasiga ah ee ku xusan Mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com