26 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Xog dheeri ah: Diyaaradaha Turkigu keenay Soomaaliya – Maxaa kale oo la socday?

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa toddobaadkan si weyn u kordhisay taageerada militari ee ay siiso Soomaaliya, si loola dagaallamo kooxda al-Shabaab, kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sabtidii.

Ilo xog-ogaal u ah arrintan ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo ah T129 Atak ah, kuwaas oo loogu talagalay weerarrada.

Isla waqtigaas, Turkiga ayaa sidoo kale laba diyaaradood oo adeegyo guud ah ku wareejiyay ciidanka badda Soomaaliya, taas oo qayb ka ah heshiis difaac oo labada dowladood kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024, kaasoo dhigaya in Ankara ay dhisto ciidan badeed rasmi ah oo ka howlgala Muqdisho.

Turkiga ayaa sannadkii la soo dhaafay tababarayay duuliyayaal Soomaali ah si ay u maamulaan diyaaradaha Atak. Shixnadda diyaaradaha ayaa la keenay kadib markii duuliyeyaashu dhammeysteen marxaladdii ugu dambeysay ee tababarka.

Xogta laga helay ilo furan ayaa muujinaysa in ilaa lix diyaaradood oo Turkish A400M ah iyo Qatari C-17A ah ay toddobaadkii la soo dhaafay ka dageen Muqdisho, kuwaasoo suuragal ah in ay keeneen diyaaradaha. Middle East Eye waxay la xiriirtay wasaaradda difaaca Turkiga si ay u hesho faallo, balse weli wax jawaab ah lama helin.

“Dhiibista diyaaradaha Atak ee Soomaaliya waxay muujinaysaa in Ankara aysan kaliya doonayn in ay hub wareejiso, balse ay rabto in ay dhisto awood ciidan oo isku dhafan oo Soomaaliya leedahay,” ayuu yiri mid ka mid ah ilo xog-ogaal ah.

Intii lagu guda jiray wicitaanka Sabtidii, Erdogan wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya u xaqiijiyay in Turkigu taageersan yahay himilada horumarineed ee Soomaaliya ee ku saleysan dimoqraadiyadda.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Turkiga, Erdogan wuxuu sidoo kale ballanqaaday in taageerada Turkiga ee Soomaaliya ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada ay sii socon doonto oo la ballaarin doono.

Taageeradan militari ee waqtigan imaanaysa waxay tilmaamaysaa in Ankara ay doonayso in ay xasillooni ka hirgeliso Soomaaliya ka hor doorashooyinka la qorsheeyay 2026, kuwaasoo la filayo in lagu qabto hannaan cod-bixin toos ah halkii laga isticmaali lahaa nidaamka ku saleysan beelaha.

Soomaaliya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajahaysay weerarro kordhay oo ay qaadayaan al-Shabaab, oo ah koox doonaysa in ay afgembiso dowladda. Kooxdu waxay sare u qaaday weerarradeeda militari.

Al-Shabaab ayaa horumarro ka samaysay bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan bishii la soo dhaafay ayey la wareegtay tuulooyin dhanka koonfureed kaga beegan Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, horumarradan oo kale ayay hore u samaysay sannadihii la soo dhaafay, balse waxay uga tagtay marar badan iyadoo cadaadis militari la saaray.

Taageero militari oo aan horay loo arag

Middle East Eye ayaa bishii Abriil werisay in Turkigu uu kordhiyay joogitaankiisa militari ee Muqdisho, isaga oo laba jibbaaray tirada ciidamadiisa oo haatan ka badan 500 askari.

Ciidamadan ayaa loo xil saaray ilaalinta iyo hawlgalinta saldhigga milatari ee Turksom, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo sugidda ammaanka dekedaha Muqdisho.

Inkasta oo diyaaradaha TB2 Bayraktar ay horey uga shaqeynayeen Soomaaliya, Turkigu wuxuu dhowaan dalka keenay laba diyaaradood oo Akinci ah.

Diyaaradahani waxay awood u leeyihiin duullimaadyo dherer sare ah oo muddo dheer socda, waxaana loo arkaa kuwo wax ku ool ah oo si gaar ah ugu habboon dagaalka al-Shabaab, sababo la xiriira habeen-araggooda horumarsan iyo awoodda ay u leeyihiin in ay si joogto ah u hawlgalaan 24-saac maalintii.

Kordhinta aan horay loo arag ee Turkigu sameeyay – xilli Mareykanku hoos u dhigayo taageeradiisa Soomaaliya – waxay muujinaysaa in Ankara ay doonayso in ay ka hortagto farqi awoodeed oo ka dhasha dalka.

In kasta oo Mareykanku uu laba jibbaaray duqeymaha cirka ee ka dhanka ah faracyada Daacish ee Soomaaliya sannadkan, haddana bishii Maarso ayuu joojiyay maalgelintii uu siin jiray cutubka Danab – unug si weyn uga qeyb qaatay dagaalka al-Shabaab.

Turkiga ayaa joogitaan ballaaran ku lahaa Muqdisho tan iyo booqashadii ugu horreysay ee Erdogan uu ku tagay Soomaaliya sannadkii 2011, taasoo ahayd mid bini’aadannimo. Tan iyo markaas, xiriirka labada dal ayaa u gudbay iskaashi qoto dheer oo dhanka ganacsiga iyo amniga ah.

Sannadkii hore, Ankara waxay sidoo kale la saxiixatay Soomaaliya heshiis ku saabsan sahamin iyo qodis shidaal, taasoo keentay in Turkigu u diro markabyo farsamo si ay u baaraan xeebaha Soomaaliya.

Xogta natiijada sahankaasi wali lama shaacin. Si kastaba ha ahaatee, Erdogan ayaa hadal uu telefishinka ka jeediyay Isniintii ku sheegay in “war wanaagsan” oo la xiriira tamarta uu dhawaan soo bixi doono.

Hadalkaasi wuxuu dhalinayaa saadaal cusub oo ah in warkaasi laga yaabo inuu quseeyo khayraadka tamarta ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News