Xog dheeri ah: Socdaalka Gaas, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ee XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta ay so gaareen magaalada Muqdisho madaxweynaha maamulka Puntland iyo madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo sabarkooda ku saabsan.

Waxaa horay magaalada Muqdisho ugu sugnaa madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ujeedada safarka seddexdaan masuul oo xiriirdhow uu ka wada dhaxeeyo ayaa ku fadhida micno weyn, waxaana xog hoose oo Caasimada Online ay heshay ay sheegaysaa inay talo ka dhiiban rabaan qaab dhismeedka golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in maadaama seddexdaan masuul deegaanada ay maamulaan kasoo jeedaan xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ah la doonayo inay ka dhaadhiciyaan aqbalida liiska golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Xogta Caasimada Online ay helayso ayaa sheegaya in seddexda masuul ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya gaar ahaan ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali iyo Xasan Sheikh Maxamuud.

Ka sokow xogtaa waxaa la filayaa inay sidoo kale ka qeyb galaan shir caalami ah oo ka dhici doono magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com