Xog: Dhinacyo culus oo ku biiray shirka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad galay shirka ka socda magaalada Muqdisho oo ay yeelanayaan musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka maanta ka socda Muqdisho ayaa ka xoogeystay sidii hore, waxaana ku biiray ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo qeyb weyn ka ah doorashada Soomaaliya, ahna xubno ay si weyn u dhageysato beesha caalamka.

Madaxda shirka ka qeyb galeysa ayaa marti qaaday bulshada rayidka, waxeyna qeyb ka saari doonaan war-murtiyeed ku saabsan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada oo dood weyn ka taagan tahay.

Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa dhowr mar oo horey ka digay wax kasta oo horseedi kara in doorashada dalka ay noqoto mid aan dhex-dhexaad iyo caddaalad ahayn.

Sidoo kale shirkaan ayaa waxa ku biiray odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed waxeyna arrintaas sii kordhin doontaa culeyska saaran madaxda dowladda Soomaaliya ee ah inay wax ka beddelaan guddiyada doorashada eel aga horyimid.

Toddobaadkii horey ayaa qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, gaar ahaan kuwa Hawiye, waxay la kulmeen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaga oo ka digay tallaabooyin ay qaaday dowladda oo horseedi kara colaad iyo kala tag.

Villa Somalia ayaa wajaheysa culeyso badan, hase yeeshee, sida aan xogta ku helnay, waxaa ka go’an inaysan marnaba aqbalin in guddiyada doorasho wax laga beddelo, taasi oo haddii ay dhacdo ay u aragto fishil siyaasadeed iyo in masraxa siyaasadda looga adkaaday.

Sababta ugu weyn ee diidmada ayaa ah in Villa Somaliaay rumeysan tahay in mucaaradka markii horeba aysan kaalin ku lahayn magacaabista guddiyada, oo ay ahayd arrin u taalla dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, mana jirto illaa hadda dowlad goboleed si rasmi ah u diiday, inkasta oo Jubaland iyo Puntland ay muujiyeen diidmo aan shaacsaneyn.