Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in diyaarad maanta kasoo duuleysay Joma Kenyatta in laga reebay dhalinyaro qeyb ka ahaa rakaabka diyaarad kusoo jeeday magaalada Muqdisho.
Diyaaradda laga reebay dhalinyaradaan ayaa waxaa la socday madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Sababta dhalinyaradaan looga reebay diyaaradda ayaa ah in laga shakiyay, waxayna ahaayeen kuwo qurbaha ka tegay oo doonayay in ay tagaan Muqdisho.
Ciidamada amaanka ayaa lagu wareejiyay kuwaasi oo baaris ku haaya socdoolkooda.
Dlalinyaro badan oo qurbaha ka tegay ayaa ku biira kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

