Xog: Dowlada Somalia oo shaqada ka cayrisay wariye mushaar la’aan ka cawday

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Cabdullaahi Iimaan, oo sidoo kale ah Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa shalay shaqada ka joojiyay Wariye Cabdifitaax Akhyaar oo katirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Ciidamada.

Cabdifitaax Akhyaar kama hadlin Warbaahinta sidoo kale ma jirto qoraal uu soo dhigay barahiisa Bulshada balse Agaasimaha Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa la sheegay in uu yiri “waxaan kaaga shakiyay inaa abaabushay in wariyaasha shaqo joojin sameeyaan iyo in aad bixisay Sawiro xarunta ah laga qaaday” kadibna waxa uu Warqad ka dhigay Albaabka Wasaaradda Warfaafinta.

Cabdifitaax oo ah Wiil dhalinyaro ah oo waqtigiisa u huray u shaqaynta Qaranka ayaa loo heyn wax cadayn ah, balse arintaan ayaa u muuqato dembiyo laga galaayo Shaqaalaha Dowladda.

Sheekada aadka loo hadal haayo ayaa ah in Shaqaalaha aan la siinin Xuquuq hadii ay ka hadlaana shaqada laga ceyriyo waxayna arintaasi walaac ku abuurtay shaqaalo badan oo Dowladda katirsan.

Dhinaca kale, Cabdullaahi Iimaan ayaa u hanjabay Wariyaasha Radio SNA ee Ciidamada Qalabka Sida isagoo u sheegay in uu shaqada ka Eryi doono hadii ay ka hadlaan Mushaar la’aanta ay wajahayaan.

Inkastoo ay Wariyaashaan heysato mushaar la’aan ayna ku jiraan Marxalad aad u dag hadane qaarkood wali waxay sidii wadaan shaqada.

Maalmo ka hor ayaa qaar kamid ah dhalinyarada Mushaar la’aanta wajahaya waxay ka soo laabteen Sabiib iyo Caanoole waxayna arintaan muujineysaa in ay yihiin Dhalinyaro ay shaqo ka go’antahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com