Farmaajo iyo Kheyre oo shir dib u heshiisiineed uga qeyb galaya Garoowe

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah madaxda maamul goboleedyada oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in shirkaasi ay yeelanayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka ayuu sheegay inuu yahay mid lagu xalinayo tabashooyinka ay qabaan maamul goboleedyada dalka, waxaana mid dib u heshiisiin ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Bisha soo socota ee May ayuu sheegay in shirkaasi uu ka dhici doono magaalada Garowe, waxaana uu sheegay in la filayo inay natiijo kasoo baxdo ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wuxuu sheegay in shirkaasi ay ka qeyb galayaan madaxweynha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha maamul goboleedyada dalka.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa soo bandhigay qaar kamid ah tabashooyinka ay Puntland qabto, waxaana kamid ah hanaanka loo qeybiyo deeqaha Soomaaliya ka hesho dalalka caalamka.

“Waxaa dhacda hab aysan raali ka aheyn Puntland marka la qeybsanayo deeqaha caalamka kasoo gaaro Soomaaliya, waxaa Puntland loo yeeraa maalinta ugu dambeysa ee shirka dhacayo, iyadoo deeqihii la qeybsaday, Shirkana waxa kasoo baxaya lasii qoray, taasi micnaheedu yahay inaan loo baahneyn Puntland”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday magacaabista guddoomiyaha Bank dhexe inay qeyb ka tahay cabashooyinka ay qabaan.

“Mar la badalayay guddoomiyaha maxkamadda sare nin ayaa laga qaaday nin isla heybtiisii ahaa loo dhiibay, laakiin guddoomiyaha Bank Dhexe markii lasoo gaaray waxaa layiri Tartan haloo galo, waxaa loo ololeeyay in halkaasi laga saaro qof kasoo jeeda Puntland, dadkii reer Puntland tartankii ayay galeen xitaa markii ay kusoo baxeen, waxaa xilka qabtay ruux aan tartamin oo reer Puntland aan aheyn”.

“Runtii cabashadaasi ayaan qabtay marar badanna hoos ayaan u dhigi jirnay, laakiin ugu dambeyn waxaan la wadaagnay dadkii ay quseysay iyo dowladaha daneeya in Soomaaliya ay hagaagto, waxaan diyaar u nahay inay wax walbaa saxmaan”ayuu ku daray hadalkiisa.

Caasimada Online
Xafiika Puntland
Caasimada@live.com