Xasan Sheekh oo DF ugu hanjabay in laga joojinayo canshuurta shacabka Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa siyaabooyin kala duwan u weeraray madaxda talada dalka haya, waxaana uu ka hadlay maqaamka Muqdisho.

Ugu horeyn Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaalaha ugu badan ka hesho shacabka magaalada Muqdisho, islamarkaana aysan jirin magaalo kale oo dowladda ay dhaqaalo ka hesho.

Sidaasi daraadeed ayuu sheegay in shacabka Muqdisho xaq u leeyihiin inay helaan xuquuqda ay dowladda ku leeyihiin oo ay ugu horeyso inay matalaad ku yeeshaan golayaasha dowladda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Canshuurta ay bixiyaan shacabka magaalada Muqdisho badalkeeda u baahan yihiin inay helaan adeegyada kala duwan ee dowladda, islamarkaana aan shacabka lagu qasbin inay iska diidaan bixinta dhaqaalahaasi.

“Magaalada Muqdisho waa Midka maanta haya oo ay ku jirto dowladda Federaalka daraadiis, waa gobolkee gobolka kale ee wax la taaban karo dowladdan kusoo kordhiya”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

“Shalay waan sheegnay markaan dhahaynay waxbaa qabyo naga ah, waxaa kamid ahaa gobolka Banaadir, Dadka gobolka Banaadir waxay xaq u leeyihiin inay matalaad helaan, weyna helayaan Insha allah”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda Ummada Soomaaliyeed, balse lagu kala badan yahay.

Hoos  ka dhageyso codka Xasan Sheikh Maxamuud

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com