Xog: Dowladda Soomaaliya oo diyaarineysaa ciidamadii la geyn lahaa Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa tababar aqoon korarsi ah u furtay 350 Askari oo ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo badankood Ciidanka ka soo galay degaanada Jubbaland oo ay doorasho ku soo wajahan tahay bilooyinka soo aadan.

Ciidamadaan ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Turkiga waxaana loo qorsheeyay in muddo 20 Cesho ah ay gacanta ku heyso lana siiyo cashiro la xariira sugidda amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka islamarkaana ay ka jirto xaalado adag oo amaanka iyo siyaasadda ah.

Sidoo kale Ciidankaan ayaa qorshuhu yahay in loo diyaariyo hub iyo qalab ciidan oo dhameestiran si ay uga hortagaan qatar kasta oo timaada goobaha doorashada iyo guud ahaan magaalada Kismaayo oo awoodda ugu badan ee halkaas ka jirta tahay maamulka Axmed Madoobe.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in ay la wareegto awoodda ciidan ee magaalada Kismaayo maalmaha soo aadan si ay halkaasi uga dhacdo doorasho ay maamulo Xukuumadda Soomaaliya.

Su’aalo badan ayaa ka taagan sida Ciidamada tababarka loo furay loo geyn doono magaalada Kismaayo maadaama dowladda Soomaaliya aysan heshiis la heyn maamulka Axmed Madoobe oo aad ugu xoogan Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in guulo wanaagsan ay ka gaartay jahwareerkii muddo ka badan 2 sano ka taagnaa maamulka Galmudug hadana ay dooneyso in ay milkiso Jubbaland oo ah maamul dhowaan geli doono doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha.

Wax sahlan ma’ahan in Kismaayo noqoto sida magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb markii loo eego awoodda maamulka Axmed Madoobe laakiin dhanka kale waxkasta waa laga filan karaa Villa Somalia oo meelo badan oo ay weerareen ka soo hoyay guulo waa-wayn oo aa ay u raadinayaan Kheyrre iyo Farmaajo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com