Xog: Xaaf oo laba ujeedo ka damacsan heshiiska uu la galay DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa dhowaan heshiis isfaham ah la galay dowladda Soomaaliya waxa uuna hadda magaalada Muqdisho u joogaa dhameestirka heshiiskaaas.

Madaxweyne Xaaf ayaa heshiiskaan ka leh dano badan oo siyaasadeed si lamid ah qorshaha Dowladda Soomaaliya ee heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlu-Ssunna dhowaan kula gashay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Dad ku dhow dhow Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xaaf uu laba ujeedo ka leeyahay heshiiska DF-ka Soomaaliya.

Qorshaha Xaaf ayaa lagu sheegay in ay kala yihiin:-

  1. In dib loo dhigo muddo bilo kooban ah doorashada Galmudug lagana gadaal mariyo midda Jubbaland si uu u qiimeeyo doorashada Jubbaland. Xaaf ayaa damacsan inuu la xirto Axmed Madoobe hadii uu dib ugu soo laabta kursigiisa hogaanka Jubbaland ah kadibna uu ka hor-yimaado dhamaan rabitaana dowladda Soomaaliya.
  2. In uu qaato lacag malaayiin dollar ah oo ay dowladda Soomaaliya ka heyso Galmudug. Xaaf ayaa doonaya in uu soo qaato lacagta Galmudug ee lagu haayo Akoonada Dowladda Soomaaliya kadibna uu ka hor-yimaado dhamaan rabitaanka xukuumadda Soomaaliya oo wali dagaal culus ku heysa maamulkiisa.

Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” oo ah siyaasi marino badan oo siyaasadeed adeegsada ayaa dhowaan heshiis ay baahi keentay balse aan rabitaan aheyn la galay dowladda Soomaaliya kadib markii uu ka soo baxsaday maamulka Ahlu-Sunna ee dagan Dhuusamareeb.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoog iyo xoolo isugu geysay sidii ay doorasho uga qaban-laheyd degaanada Galmudug. Farmaajo iyo Kheyre ayaa damacsan in Galmudug ka dhisaan maamul lamid ah kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo adeecsan dowladda Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com