Xog: Dowladda Soomaaliya oo iibisay dhul danguud ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa kumanaan doolar ku iibisay dhul danguud ah oo ku yaala degmada Hodan  ee gobalka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dhulkaan oo ah qayb kamid ah Isbitaalka Xoogga dalka islamarkaana ahaa barxad weyn oo ah dhul danguud ah kuna taalla dhabar-ka dambe ee Isbitaalka ilaa bisha Cas ayaa laga iibiyay ganacsato Soomaaliyeed.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga oo ka daggan Isbitaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in dhulkaan oo muhiim u ah dowladda dhowaan laga iibiyay dad ganacsata ah waxaana arintaan ka shaqeeyay Maamulka Degmada Deyniile ee gobalka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa dad badan u xirtay falal la xariira musuq maasuq islamarkaana waxay amar ku bixisay in la soo celiyo hantida danta-guud oo ay ugu horreyso dhulka iyo hantida kale ee ma guurtada ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in uu wax ka ogaa iibinta dhulkaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Deyniile ayaa sidoo kale Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay iibisay dhulka barxadda ah ee ku yaala dhabar-ka dambe ee Isbitaalka Xoogga islamarkaana ku eg ilaa xarunta Bisha Cas ee agagaarka Isbitaalka.

Arintaan waxay qayb ka tahay musuq maasuq la sheegay in uu ka jiro xafiisyada Dowladda, waxaana maalmihii dambe isa soo tarayay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay bilaawday bixinta iyo iibinta dhulkii danta-guud ah oo waligeyd sheegi jirtay in ay ilaalin doonto.

Sidoo kale arintaan ayaa waxaa lagu sababeeyay in dowladda Soomaaliya ay baahi weyn u qabto dhaqaalo xoog leh maadaama uu gaba-gabo marayo waqtiga dowladda islamarkaana ay doonayaan madaxda Qaranka in ay dib ugu soo laabtaan hogaanka Dowladda Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com