27.2 C
Mogadishu
Friday, April 24, 2026

Xog: Erdogan oo maanta ku wajahan Itoobiya iyada oo la filayo in Soomaaliya ay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa la filayaa inuu Talaadada maanta ah booqasho rasmi ah oo qaadan doonta hal maalin ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarkan ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo saxiixa heshiisyo cusub oo iskaashi.

Booqashadan oo timid kadib casuumaad rasmi ah oo uu fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga dhanka warshadaha gaashaandhigga.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyada diblomaasiyadeed, labada hoggaamiye ayaa goobjoog ka noqon doona saxiixa heshiisyo iyo dokumiintiyo dhowr ah oo wada-xaajoodkooda lasoo gaba-gabeeyay, kuwaas oo quseeya dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo amniga.

Safarka Erdogan ee Itoobiya ayaa ahmiyad gaar ah u leh xasiloonida gobolka, iyadoo Ankara ay doonayso inay xaqiijiso mowqifkeeda ku aaddan nabad ka dhalata inta u dhaxaysa Addis Ababa iyo Muqdisho.

Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay kadib heshiiskii muranka dhaliyay ee badda ee ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, horraantii 2024.

Turkiga ayaa sanadkii hore ee 2025 qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, isagoo labada dal ku caawiyay inay saxiixaan “Baaqa Ankara” (Ankara Declaration), kadib markii madaxda labada dhinac lagu martiqaaday caasimadda Turkiga si loo qaboojiyo xiisadaha.

Dhinaca dhaqaalaha, Turkiga iyo Itoobiya ayaa kor u qaaday mugga ganacsigooda sanadkii 2025, kaasoo sameeyay koror dhan 5%, isagoo haatan taagan $253 milyan. Turkiga ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah afarta dal ee ugu maalgashiga badan dalka Itoobiya.

Baaqashada safarkii Imaaraadka

Dhinaca kale, qeyb kamid ah safarka Madaxweyne Erdogan oo ku wajahnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib loo dhigay, sababo la xiriira xaalad caafimaad oo lasoo deristay Madaxweynaha Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Beddelkeeda, Erdogan ayaa wada-hadal dhanka taleefonka ah la yeeshay dhiggiisa. Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga, labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay fursadaha iskaashi iyo tallaabooyinka lagu sii xoojin karo xiriirka, iyadoo laga duulayo danaha guud ee labada dal iyo labada shacab.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in labada mas’uul ay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay sii qoto-dheereeyaan xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan guulaha laga gaaray dhinacyada horumarinta. Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee khuseeya labada dhinac.

Labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyay in kulanka baaqday dib loo qorsheeyo, iyagoo muujiyay inay diyaar u yihiin inay kulmaan waqtiga ugu horreeya ee suurtagalka ah.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News