Xog: Ethiopia iyo Jabuuti oo walaac ka muujiyay arrintii ay Somaliland ku dhaqaaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Ethiopia iyo Jabuuti ayaa aad uga walaacsan Qorshaha ay Somaliland ku ogolaatay in Dowlada Imaaraadka Saldhigga Milliteri laga siiyey Dekedda magaalladda Berbera.

Dowladaha Ethiopia iyo Jabuuti, ayaa aad uga carooday Heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka, kaa oo la sheegay in Caqabad muuqda uu ku noqon doono labada Dowladood.

Wargeyska El-badil ee ka soo baxa dalka Masar, ayaa qoray in Dowlada Ethiopia iyo Jabuuti ay aragti mideysan ka qabaan ogolaanshiyaha Saldhiga Millitery ee Imaaraadka uu ka furan doono magaalada Berbera.

Wargeysku waxa uu qoray in Ethiopia iyo Jabuuti ay aad uga walaacsan yihiin Qorshahaasi iyo Galaangalka Milliteriga Imaaraadka ku yeelan karaan Gacanka Cadmeed iyo Baab Al-mandab.

Dowlada Sacuudiga oo la rumeysan yahay in kaalin weyn ay ka qaadatay Heshiiska Saldhigaasi ayaa iminka la sheegay in Ethiopia iyo Jabuuti ay ku cadaadineyso ka qeybqaadashada dhiciseynta Heshiiska Imaaraadka uu la galay Somaliland, iyadoo la garwaaqsan yahay in Heshiiskaasi uu Caqabad ku noqon doono Danaha Sacuudiga ee Geeska Afrika.

Dowladaha Ethiopia iyo Jabuuti oo garabsanaaya Dowlada Sacuudiga ayaa bilaabay qorsho ay ku cadaadinayaan Baarlamaanka Somaliland si looga laabto Heshiiska lagu bixiyay Saldhiga Imaaraadka uu ka dhisanaayo magaalada Berbera.

Dowlada Ethiopia ayaa si gaara uga cabsi qabta in Xiriirka Wanaagsan ee Imaaraadka la leeyihiin Dowladda Masar uu horseedo inay Milliteiga Masar saamayn ku yeeshaan Saldhigga Milliteri ee Berbera.

Sidoo kale, Dowladaha Ethiopia iyo Masar ayaa waxa ka dhexeeya Muran ku aadan qaabka loo wadaagayo Biyaha Webiga Nile, waxayna Dowladda Masar ka soo horjeedaa dhismaha Biyo-xireenka weyn ee laga dhisayo Ethiopia.

DFS ayaa horaanta bishii lasoo dhaafay qaadacday Heshiiska ay Somaliland la gashay Dowlada Imaaraadka kaa oo lagu bixiyay dhul baaxad weyn oo uu Imaaraadka ku dhisanaayo Saldhig Millitery.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com