Afartii qodob ee uu Farmaajo kaga yaabsaday madaxda Carabta

Cammaan (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qudbad qiiro leh ka jeediyey Shirkii Jaamacadda Carabta ee Dalka Jordan ayaa wadamada Jaamacadda Carabta hor dhigay inay Soomaaliya ku saacidaan afar qodob oo aad muhiim ugu ah dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Madaxwyenaha oo la hadlayey madaxda dowladaha Carabta ayaa yiri: ” dhibaatada aan idinka kaga soo sheekeyey ee heysato Soomaaliya kadib, waxaan walaalaheyna dowladaha Carabta ugu baaqeynaa inay qaadaan tallaabooyinka ay kamid yihiin”:

1) Garab istaagidda dowladda Soomaaliya iyo ku taageeridda la dagaalanka argagixisada iyo xagjiriinta, iyadoo midaas loo marayo dhisidda ciidamada Qaranka Soomaaliyed, helidda agabka military iyo hubka laga maarmaanka ah iyo in la saacido waxqabadka garsoorka iyo cadaaladda.

2) In dib loogu laabto qodobadii gaarka ahaa ee lagu taageerayey Soomaaliya kana mid ahaa go,aanadii lagu qaatay shirarkii hore ee Jaamacadda Carabta ee is xig xigay, iyadoo dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ay rajo weyn ka qabto fulinta qodobadii ku qornaa go,aanadaas, waxaan shirkaan hadda socdo ku codsaneynaa in laga soo saaro go,aano ku baaqayo in kaalmo deg deg ah la gaarsiiyo Soomaaliya si looga hortago caqabadaha iyo halista aan soo sheegnay, sidoo kalana waxaan codsaneynaa in la dhaqaajiyo lana fuliyo dhammaan go,aamada gaarka u ah Soomaaliya oo aan ka xusi karno midkii ka dhacay Sharma Shiikh ee u gaarka ahaa Sidii kaalmo lacageed oo deg deg ah loo garsiin lahaa Soomaaliya oo aheyd in bil kasta Miisaaniyadda Dowladda lagu taageero 10 Malyan oo Dollar Muddo hal sano ah. Waxaana rabaa inaan halkaan mahad ballaaran uga jeediyo dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait oo go,aansatay inay martigeliso shir lagu taageerayo waxbarashada Soomaaliya, anagoo rajeeneyno inuu u qabsoomo sida ugu dhaqsiyaha badan, weliba waxaan ugu baaqeyno dowladaha carabta inay gacan weyn ka geystaan hirgelinta shirkaas maadaama waxbarashada ay kaalin weyn ka qaadan karto xallinta Mushkiladaha Soomaaliya oo ay ugu horeyso Dhibaatada rabshadaha iyo ka hor tagista in dhalinyarada Soomaaliyed ay ku biraan ururka argagixisada.

3) Waxaan ugu baaqeynaa ganacsatada carbeed inay maalgelin ka sameystaan Soomaaliya isla markaasna ay furaan suuqyo loo iib keeyo wax soo saarka Soomaaliya.

4) Soo gudbinta wixii suurtagal ah oo kaalmo lacageed ah ama deyemo waqti dheer si Soomaaliya looga caawiyo inay soo saarato kheyraadka ku duuugan dhulkeeda, badeeda iyo kobcinta ilaha dhaqale ee beeraha, xoolaha iyo Malayga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com