Kheyre oo mar kale baaq ka soo saaray dhaqaalaha ku jira akoonada wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xassan Kheyre ayaa ku baaqay in Golaha Wasiirada Xukuumadiisa ay waxbadan ka duwanaadan kuwii iyaga ka horeeyay.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu soo jeediyay in loo baahanyahay in wasiiradu tusaale u noqdaan shacabka ay hogaaminayaan, islamarakaana muhiim ay tahay in golaha wasiiradu ay wada shaqeyn la yeeshaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxa uu sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in la helo wada shaqeyn joogta ah oo dhexmarta xukuumada Cusub iyo shacabka.

Ra’isul wasaaraha ayaa mar kale Wasiirada ugu baaqay inay soo gudbiyaan cadadka hantidooda gaarka ah, si hadhow isla xisaabtan uu u yimaado, isla markaana looga fogaado arrimaha musuq iyo wax isdaba marin.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa saacado kadib markii uu magacaabay Golaha Wasiirada Warbaahinta ka sheegay in laga koontarooli doono dhaqaalaha ku jira Akoonadooda gaarka ah, waxa uuna mar kale ku celiyay in lasoo gudbiyo cadadka Hantida u keydsan.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa caqabad u arka in dhaqaalaha ku jira Akoonadooda ay la wadaagan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com