Xog cusub: Faarax Cabdul Qaadir oo hal arrin kaga dheereeyay Xasan Sheekh iyo Damu-Jadiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta sida dhow saaxiibka ula ah Xildhibaan Faarax C/qaadir, ayaa sheegay in Xildhibaanka uu maskax ahaan aad kaga dheereerar Madaxweyne Xassan Sheekh iyo dhammaan Xubnaha ay ku mideysan yihiin Ururka Damul-jadiid.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta ugu dhow dhow Faarax ayaa xaqiijiyay in Faarax uu maskax ahaan ka duwan yahay mas’uuliyiinta kale, waxa uuna tilmaamay in Faarax uu awood u leeyahay in mar qura uu xifdiyo magacyada ku dhawaad 50 ilaa 100 ruux, isaga oo aan dib danbe u ilaabeynin magacyadooda.

”Faarax waa nin saaxiibkey ah, xaqiiqada marka laga hadlo waa nin maskax-badan shaqsigii mar u sheega magaciisa waxa uu awooda in dhowr sano kadib uu soo xasuusto, isaga oo aan dib danbe u arag shaqsigaasi”

”Hadii aad barto shaqsi aysan is garaneynin oo markii ugu horeysay ay is weydaarsadeen magacyadooda ninkaasi wey adag tahay inuu dib danbe u ilaabo magaciisa”

Waxa uu sidoo kale, Siyaasigaasi sheegay in Faarax C/qaadir ay saaxiibo yihiin kudhawaad Toban sano, waxa uuna qiray in arrintaani ay dadka dhan isla arkeen, goortii Faarax wax laga weydiiyayna uu ku jawaabo dhoola cadeyn.

Faarax C/qaadir ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Sargaal la shaqeeya Sirdoonka Dalka Ethiopia, islamarkaana Siyaasada Somalia ay kusoo darsatay Dowlada Ethiopia, taasi oo loo sababeeyay maskaxdiisa.

Geesta kale, Faarax C/qaadir ayaa ah nin Siyaasad ahaan ku dhow Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com