Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo wali ku howlan sida Jaaliyada Puntland ee ku nool dalka Mareykanka uga dhaadhicin lahaa diidmada 4.5, ayaa waxa uu sheegay in dhammaan Jaaliyada ay maamulka ku taageersan yihiin inaan Somalia laga hirgalin doorasho loo maraayo qaab 4.5 ah.
Gaas waxa uu carab dhabay in Somalia ay kusoo wajahan tahay musiibo aad u ballaaran marba haddii ay Dowlada Somalia ku talineyso in Soomaalida loo kala qaad-qaado 4.5 misna cida u sharaxan doorashada uu qaabkaasi codadka ku raadiyo.
Madaxweyne Gaas ayaa waxaa uu sheegey hadii wanaag Somalia la rabo in wakhtiga haray lagu hirgalin karo doorasho hab deegaan ayna wanagsan tahay in wanaaga Somalia loo tanaasulo balse aysan ahayn in danta gaarka ah lagu dabakho danta guud.
Waxa uu sheegay hadii lala tashan lahaa gabi ahaan dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland xitaa canuga ugu yar uusan aqbali laheyn in nidaamka 4.5 doorashada dalka loo maro.
”Marka aan xaqiiqda ka hadlo Dowlada Somalia ma horseedeyso wanaaga looga baahan yahay, waxaa ila wanaagsanaan laheyd in shacabka Puntland oo idil wax laga weydiiyo nidaamka 4.5, waxaan qabaa in canuga ugu yar xitaa uu qaadici lahaa nidaamkaasi”
C/wali Gaas waxa uu sidoo kale, sheegay in adduunka qudhiisa uusan diyaar u aheyn in Somalia ay dhibta ka baxdo, taasina ay daliil u tahay sida ay u taageerayaan nidaamka 4.5.
Docda kale, Xassan Sheekh iyo Labada Gole ee Dowlada ayuu kaga digay inay raaxo moodaan dhibta ay usii horseedayaan Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

