Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirrada arimaha dibada Jaamacada Carabta ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee dhinaca horumarka dalka dhinaca amni,dhaqaale iyo mid siyaasadeed waxana ay aragti wanaagsan ku tilmaamen heshiiska lagu gaaray doorashada 2016-ka ee Soomaaliya.
War Murtiyeed laga soo saaray Kulankaasi oo shalay lagu soo gebagebeeyey Xarunta Dhexe ee Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira waxaa Madaxda dalalka Carabta loogu baaqay inay taageeraan Soomaalida Federalka, Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo qalabayn lahaa Milliteriga Somalia.
Bayaanka waxaa lagu soo dhaweeyey Doorka Dowladda Jabuuti ka qaadato Hoggaaminta Hawlgalka AMISOM iyo Tallaabooyinka ay Dowladda Federalka ee xukunnadda lagu rido Shaqsiyaadka geysta falalka Argagixisadda, waa sida lagu xusay Bayaanka .
Golaha ayaa isku raacay in la fuliyo qaraarkii kasoo baxay fadhigii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay sanadkii tagay magaalada Sharma sheekh oo Soomaliya loogu taageeray 10-milion oo doolarka Mareykanka in bille loo siiyo mudo sanad ah.
Si loo kaabo miisaaniyada xukuumada si ay cagahoodi isku taagaan hay’adaha dowladda,fulinta barnaamijyadeeda dhinaca amaan iyo mid xasilooni,la dagaalanka musuq maasuqa,colaada iyo arimo kale.
Sidoo kale, Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta waxay ku baaqeen in Gargaar Degdeg ah la siiyo Somalia, lagana cafiyo Deymihii lagu lahaa.
Dowladaha Sacuudiga iyo Algeria ayaana ku dhawaaqay inay Somalia ka cafiyeen Daymihii Lacageed ee ay horey u amaahiyeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

