28.2 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Imaam Soomaaliyed ayuu ahaa, balse halis ayuu damacsanaa, xabsina waa la dhigay, SABAB?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Rome (Caasimada Online) – Ciidamada Dalka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay Wadaad Somaali ah oo markii hore magan gelyo isku dhiibay islamarkaana ku noolaa Magaalada Cambobasso ee dalka Talyaaniga kadib markii sida la sheegay uu doonayay inuu weeraro saldhiga Tarmini Station oo ku yaala magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Imaamka Soomaaliyeed oo 22 sano jir ah oo gudbiyay warqada codsiga magangalyada dalkaasi ayaa la sheegay in laxiray maalmo ka hor markii uu qorsheeyay inuu ka tago magaalada dhanka koofureed ee dalka Talyaaniga isaga oo kusii jeeda Rome si weerarka uu u fuliyo, sida laamaha amaanka ay sheegeen.

Ninkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa la sheegay inuu degenaa xarunta dhexe ee lagu soo dhaweeyo muhaajiriinta tagta dalkaasi ee loo yaqaano QOYSKA FARAXSAN , halkaasi oo ay deegaansadaan dadka qaxootiga ku ah dalka Talyaaniga.

Wadaadka  ayaa ku qeylinayay erayo ay kamid yihiin “Dagaalka wuu soconayaa”, “xaruntii wargeyska Charlie Hebdo waa bilowga dagaalka” iyo erayo kale, sida booliska ay sheegeen.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa baahisay in muhaajiriin kale oo Imaamka isla joogeen laga soo xigtay in imaamka uu la dhacsanaa waxyaabaha ay sameynayaa kooxda Khilaafada Islaamiga ee Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Talyaaniga
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News